Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirro Ka Tirsan Dowladda oo Dooxa Uga Qeybgalay Shirka Iskaashiga iyo Dhaqaalaha Wadamada Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Amb. Axmed Macalim Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa magaalada Doha ee wadanka Qatar kaga qeybgalay meertada saddexaad ee Shirka Madasha Iskaashiga iyo Dhaqaalaha Wadamada Carabta, wadamada Aasiyada Dhaxe, iyo wadanka Azerbaijan oo loogga hadlaayey xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Carabta,

Wasiir Fiqi oo halkaas ka jeediyey khubad dhibacyo badan taabanaysa, ayaa wuxu halkaas kaga hadlay guulaha laga gaaray dagaalka lagu la jiro cirib-tiridda Khawaarijta, damaca Itoobiya ee badda Soomaaliya oo ah xad gudub ay dawladda Itoobiya ku samaynayso jiritaanka dhuleed iyo wadan ee Soomaaliya, iyo weli ba sidoo kale arrinta qadiyada Falastiin oo uu ugu baaqay in laga yeesho cod midaysan.

Waxa kale oo uu ugu dambayn boggaadiyey qabsoomidda shirkan oo uu tilmaamay inuu yahay mid dhabaha u xaaraya siddii kor looggu qaadi lahaa xoojinta ganacsiga ee wadamada, iskaashiga dhaqaalaha, iyo wadaagista fursadaha maalgashi ee dhinacyada si wax loogga qabto shaqo yaraanta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this