Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka SSC Khaatumo oo Somaliland Ku Eedeyay in Colaad Sokeeye ay Ka Hurineyso Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka SSC Khaatumo ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku eedeeyay Somaliland inay colaad sokeeye ay ka hurinayaan degaannada gobolka Sanaag, ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeday degaanada maamulka kmg ah ee SSC Khaatumo.

Warsaxaafadeedka kasoo baxay SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay ciidamo badan ku abaabulayso gobolka Sanaag, taasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay in colaad la galiyo gobolkaas sida uu maamulka SSC sheegay, eedaan ayaa kusoo aadaysa xilli dagaal labada dhinac laga cabsi qabo.

SSC Khaatumo waxay sheegtay, cawaaqib xumada ka dhalata colaaddaas iyo dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, inuu qaadayo maamulka Somaliland, waxaana xusid mudan in maamulka Somaliland ciidamo badan uu soo dhoobay xadka labada oo ay isku horfadhiyaan ciidanka kasoo kala jeeda labada dhinac.

SSC Khaatumo ayaa Sidoo kale, waxay sheegtay inay Somaliland waddo abaabulka duullaan ka dhan ah degaanadooda, taasoo ay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin, waxaana maalmihii lasoo dahafay socday hadallo labada dhinac ay hawada isku marinayeen, taas oo laga acabsi qabo inuu dagaal dhaco.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this