Sign in to follow this  
Deeq A.

 Jaamacado Mareykanka ah oo Duruusta Ka Mamcuuncay Arday Siiwaday Bannaanbaxyada Lagu Taageerayo Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York ee dalkan Maraykanka ayaa Isniintii mamnuucay, xubno ka mid ah ardayda ee u dhaqdhaqaaqa Falastiiniyiinta ee diiday inay ka guuraan barxadda hore ee dhismaha Jaamacadda ee ku yaalla magaalada New York, kadib markii amar lagu siiyay iney ka guuraan.

Mudaharaadayaasha iyo maamulka Jaamacaddu ay isku afgaran waayay kulan sidii loosoo afjari lahaa xaaladda, Mareykanka ayaa Jaamacadaha ku yaalla waxaa ay noqdeen udub-dhexaad u noqotay dalabka sidii loo joojin lahaa dagaalka ka socda magaalada Gaza, kaas oo galay bishii 7-aad duqeyntu ay socoto.

Madaxweynaha Jaamacaddan oo lagu magcaabo Nemat Minouche Shafik ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay, in maalmo badan oo ay socdeen wadahadalo kala duwan oo u dhexeeyey madaxda ardayda soo abaabushay mudaharaadyadaan  iyo masuuliyiinta Jaamacaddu saareen ganaax lagu adkeynayo.

 Maamulka ayaa sheegay inay ku guuldaraysteen, in ardayda debedbaxa samaynaysa lagu qanciyo inay furfuraan taandooyinka ka dhisan barxadda hore Jaamacadda, iyagoo diiday iney joojinayaan, laakiin aqbalay ka guurista bannaanka hore ee Jaamacadda Colombia ee ku taalla magaalada New York.

Maalmahan ugu dambeeyey waxaa jaamacadaha dalka Maraykanka ka socday mudaharaadyo kala duwan oo lagu taageerayo Falastiiniyiinta, isla markaana lagaga soo horjeeda dagaalka Qaza iyo sida dowladda Mareykanka ay u diidan tahay dowladnimada Falastiin kadib qaraarkii golaha Ammaanka.

Ciidamada booliska ee magaalada Austin ee gobolka Texas, ayaa iyaguna xabsiga u taxaabay tobanaan arday oo dhigayey mudaharaad lagu taageerayey Falastiiniyiinta, arrintaan ayaa noqotay hadal heyn badan oo ku aadan mudaharaadyada sida weyn looga dareemay gudaha Mareykanka ee araday dhigeen.

Jaamacadda Colombia ayaa ardayda u dirtay Isniintii shalay aheyd , in haddii ay ka guuri waayaan ilinka hore ee barxadda Jaamacadda marka la gaadho 2 duhurnimo, isla markaana ay saxeexi waayaan inay raacayaan shuruucda jaamacadda, in laga mamnuuci doono jaamacadda, iney sii dhigan karaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this