Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Mareykanka iyo kan Soomaaliya oo kulan xasaasi ah yeeshay kadib fadeexada soo baxday

Recommended Posts

Deeq A.   
438845117_920444950122112_25089533872924

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliska Mareykanka ee Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Kornel David Haskell iyo kan xoogga dalka ayaa kulankaan diirada ku saaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Taliye Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sidoo kale wuxuu saraakiisha Mareykanka ee qaabilsan howl-gallada gaarka ah kala hadlay inay ka qeyb qaataan dagaalka dalka looga xureynayo khawaarijta, isaga oo xusay inuu dhawaan bilaaban doono howl-galka.

Taliska Mareykanka ee Soomaaliya u jooga fulinta howl-gallada gaarka ah ayaa dhankooda ballan-qaaday inay diyaar u yihiin kaalintooda ku aadan howl-galka dalka looga sifaynayo kooxda Al-Shabaab.

Kulankan ayaa imanaya maalmo uun kadib markii ay banaanka usoo baxday fadeexada musuq-maasuq ee ciidanka Danab, ayada oo suuqyada waaweyn ee magaalada lagu kala iibsaday raashinkii ciidamada kumaandooska Danab, taasi oo keentay in Mareykanka uu jarto kaalmada raashin ee uu siin jiray ciidankan.

Mareykanka ayaa markaas sheegay inuu dib u qiimeyn doono xiriirka iyo iskaashiga kala dhaxeeya ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee Danab, kuwaas oo ay tababarto kadib fadeexadda musuq-maasuq ee kusoo baxday.

Sarkaal Mareykan ah oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in Washington ay dhammaan eedahaasi musuq-maasuq u qaadaneyso si dhab ah.

“Waxaan rajeyneynaa inaan kala shaqeyno Danab abuurista ilaalinta lagama maarmaanka ah iyo tallaabooyinka isla xisaabtanka si looga hortago dhacdooyinka mustaqbalka ee saameyn kara kaalmadeena,” ayuu yiri sarkaalka u hadlay dowladda Mareykanka.

Fadeexaddan ayaa si weyn u hareysay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada baaritaanka socdo iyo tallaabada ay qaado dowladda.

440424361_920444876788786_16433212218774

440582514_920444863455454_36017179510412

440760571_920444886788785_58092347114581

440436617_920444940122113_26052052537998

438822169_920444960122111_65332737781697

438845117_920444950122112_25089533872924

The post Taliska Mareykanka iyo kan Soomaaliya oo kulan xasaasi ah yeeshay kadib fadeexada soo baxday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this