Sign in to follow this  
Deeq A.

Senatar Maraykan ah oo ku booriyay maamulka Biden inuu la macaamilo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Senatar Maraykan ah oo ku booriyay maamulka Biden inuu la macaamilo #Somaliland, ayuu yidhi siyaasadda “Soomaaliya oo keliya” ma aha mid xaqiiqada ka tarjumaysa.

GMUa2QyXIAA6SRq.jpeg

Hargeisa,(Qaran news)- Senator Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa ku booriyay maamulka Biden inay la macaamilaan Somaliland, wuxuuna sheegay in siyaasadda “Soomaaliya oo keliya” aysan ka tarjumayn xaqiiqada.

“Waxaan ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka inay la shaqeyso Somaliland oo aysan iska indha tirin horumarka dimoqraadiyadeed,” ayuu yiri Senator Risch isagoo intaas ku daray “in asxaabtiisa Mareykanka ay ammaanayaan horumarka doorashada Somaliland ee toddobaadkan, maamulka Maraykanku wuu aamusay marka la eego siyaasadda “hal Soomaaliya” kama tarjumayso xaqiiqada waxa halkaas ka dhacaya”, Senator Risch ayaa yidhi 27kii Abriil.

Hadalkiisa waxa uu yimid ka dib markii ay si wada jir ah u soo saareen 25 April, #Denmark, #EU, #Germany, #Norway, #Sweden, iyo # UK waxay soo dhaweeyeen ku dhawaaqista rasmiga ah ee todobaadkii hore ay ku dhawaaqeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland wakhtiga doorashada ) iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto ka soo baxday ku sheegay in wakhtiga doorashada la qabanayo 13 November ee sanadkan.

Kuwani waa “tallaabooyin muhiim ah oo loo qaaday dhinaca xaqiijinta in doorashooyinku qabsoomaan 13ka Noofambar 2024”, saaxiibada caalamku waxay yiraahdeen waxayna ballan qaadeen “in ay ka go’an tahay inay la shaqeeyaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada si ay u taageeraan sidii loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay. wakhtiga lagu dhawaaqay oo lagu heshiiyey.”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this