Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqday Jasiiradda Sinsibaar

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo soo gaba-gabaynayey booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku jooga dalka Tansaniya ayaa soo booqday Jasiirrada Sinsibaar oo ka mid ah deegaannada xiriirka taariikhiga ah uu kala dhexeeyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Madaxweynaha dowlada Sinsibaar Mudane Hussein Mwinyi ayaa uga tacsiyeeyay geerida Aabahii Madaxweynihii hore dalka Tasaaniya Ali Hassan Mwinyi.

Waxaa sidoo kale kulanka looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin taariikhda iyo xiriirka ka dhexeeya dadka Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha ku dhaqan Sinsibaar, iyo iskaashiga arrimaha dalxiiska oo Jasiirrada Sinsibaar ku tilmaamantahay.

All reactions:

248248

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this