Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kulan La Qaatay Safiirka Dowladda Turkiga ee Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa xarunta Safaarada Turkiga ku booqday Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa ugu horeyn Danjiraha cusub ee Turkiga Amb. Alper Aktaş ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna sheegay in Turkiga uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya oo xilliyo adag soo garab taagnaa.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay Xariirka iyo Iskaashiiga wada shaqeyneed ee labada Dowladood iyo Sidii kor loogu qaadi lahaa tababarada Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya, wuxuuna ka taageeraa arrimaha difaaca oo ay tababarka iyo qalabaynta Ciidanku ugu mudanyihiin, iyo dhinacyada hormarka, gargaarka bini’aadantinimo, caafimaadka, dhismaha iyo waxbarashada.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this