Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Hormuud oo War Kasoo Qaar Kamid ah Shaqaalaheeda oo Qarax Lagu Dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud ayaa war ka soo saartay qarax miino oo ka dhacay deegaanka waydow oo ay ku naf waayeen 6 kamida shaqaalaha shirkaddu.

War qoraal ah oo shirkadda ka soo baxay ayaa lagu yiri”Lix ka mid ah shaqaalaha Shirkadda ayaa ku naf waayay qarax galabta lagula eegtay deegaanka Garasbaalley ee duleedka Muqdisho,
Waxa aan ehellada, asxaabta, shaqaalaha shirkadda, iyo bulshada Soomaaliyeed uga tacsiyeynaynaa geerida shaqaalihii ku naf waayay falkaan gurracan, waxaana Alle uga baryeynaa in uu Janatul Fardowsa ka waraabiyo”.

Qaraxa nooca miinada ah oo gaari ay wateen shaqaale ka tirsan Hormuud lala eegtay ayaa sababay dhimashada lixdan qof oo isugu jiray howl-wadeenno rayid ah iyo ilaalo, wuxuuna falkani ku soo beegmayaa ayadoo bilo ka hor dhowr xarumood oo ay shirkaddu leedahay la qarxiyay.

Dhacdan ay shaqaalaha badani ku dhinteen ayaan illaa hadda cidina masuuliyaddeeda sheegan, sidoo kalena shirkaddu faahfaahin kama bixin qolada ay ku tuhmayaan inay falkan ka dambayso.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this