Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
439263715_919539113546029_76004015293880

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeyb galay shirka muhiim ah.

Shirkan oo ah midkii 21-aad ee hay’adda horumarinta Bangiga Adduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo IDA, ayaa sidoo kale waxaa kasoo qayb-galay Wasiirada Maaliyadda dalalka qaaradda Afrika.

Shirka maanta oo ah heer Wasiir Maaliyadeed ayaa waxaa looga dooday qodobada muhiim ka u ah wadamada Afrika, si uu Bangiga Adduunka u maal-galiyo.

Qodobada ay soo saaraan wasiirada maaliyadda ayaa waxaa la hor dhigi doonaa kulanka kiisa xiga oo ah heer madaxweyne, kaasi oo sida qorshuhu yahay qabsoomi doona 29-ka April 2024-ka.

Shirkaan ayaa waxa uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dowladda Soomaaliya oo dhawaan ka gudubtay heerka deyn cafinta, doonaysana in ay hesho maalgalin caalami ah.

Dowladda ayaa maal-gelintada caalamiga u raadinaysa, si sare loogu qaado wax soo saarka gudaha iyo dib-u-habeynta maaliyadda, taasi oo qeyb ka qaadan karta kordhinta dhaqaalaha Soomaaliya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumar ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo daba-yaqaada sanadkii hore ee 2023-ka si rasmi looga cafiyay deyntii uu caalamka ku lahaa.

437723788_919539116879362_25330105818114

439263715_919539113546029_76004015293880

438077916_919539096879364_31541964439262

438099868_919539213546019_76047224250913

439278324_919539220212685_47118125381965

438094555_919539230212684_12068766710401

The post Shir ahmiyad gaar ah u leh Soomaaliya oo ka furmay magaalada Nairobi + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this