Sign in to follow this  
Deeq A.

Tiktookarad caan ah oo u dhalatay dalka Ciraaq oo Baqdaad lagu toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Umm Fahad oo ah haweeney u dhalatay dalka Ciraaq ayaa lagu toogtay bannaanka hore ee gurigeeda oo ku yaalla magaalada Baqdaad, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Zein ee bariga caasimadda.

Wasaaradda arrimaha gudaha Ciraaq ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay dilka “Haweeney caan ka ah baraha bulshada” oo ay gaysteen “dad aan la aqoonsan”.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in “koox gaar ah” la sameeyay si ay u baaraan xaaladda dhimashadeeda.

Ummu Fahad oo magaceeda saxda ah lagu sheegay Ghufran Sawadi ayaa la sheegay in gaarigeeda uu ku toogtay qof watay qori oo saarnaa mooto.

Ilo dhanka ammaanka ah oo Ciraaq ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in ninka weerarka geystay uu u muuqday mid iska dhigaya inuu raashin geynayo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this