Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Waddani oo xarunta dhexe ku qaabilay dhalinyaro

Recommended Posts

Deeq A.   

img_3_1714304697034.webpimg_1_1714304644222.webpimg_5_1714304737892.webp
Xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI Md Khadar Xuseen Cabdi ayaa xarunta dhexe ee xisbiga ku qaabilay hogaanka Madasha Dhallinyarada CAYNAAN (Hargeysa), oo ah madal wada shaqayn la leh xisbiga WADDANI.

Waxa sidoo kale munaasibadda goob joog ka ahaa Agaasimaha Xarunta Dhexe, Hogaannada Garabyada Haweenka iyo Dhallinyarada iyo Agaasime kuxigeenka Xarunta dhexe waxaana ay dhammaan masuuliyiintani si balaadhan u soo dhaweeyeen booqashada Madasha CAYNAAN, iyagoo dhiirrigaliyey wadashaqaynta labada dhinac si loo xaqiijiyo yoolka badbaabada Jamhuuriyadda Somaliland.

Xubnaha hogaanka Madasha CAYNAAN oo munaasibadda ka hadlay ayaaa ku dheeraaday ujeedooyinka loo aasaasay CAYNAAN iyo wadashaqaynta ay xisbiga la leeyihiin.

Dhinaca kale xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, agaasimaha Xarunta dhexe iyo masuuliyiinta kale ayaa geestooda niyad samaan balaadhan u muujiyey dedaalka dhallinyarada CAYNAAN waxaana ay ballanqaadeen wadashaqayn joogto ah.

Madasha CAYNAAN waa madal isku xidha dhallinyarada deegaannada Togdheer, Saaxil, Saraar, Sanaag iyo Maroodi-jeex, waxaanay xarumo ku leedahay dhammaan gobolladaas

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this