Sign in to follow this  
Deeq A.

Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo Go’doon Galay iyo Khasaaraha Ka Dhashay Fatahaadaha oo Kordhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Daadad iyo roobab xooggan oo dabeylo wata oo ka da’ay Kenya ayaa dilay ku dhowaad  100 qof tan iyo bartamihii bishii Maarso oo roobabka la dareemay , afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay Jimcihii, taasoo laba jibaar ka badan intii la soo sheegay horraantii toddobaadkan oo ka hooseysay 40 ruux.

Roobabka xilligaan ayaa siweyn looga dareemayaa caasimadda, waxaana jira in gobolka Waqooyi bari uu go’doon galay marka la eego, kadib fataad uu sameeyay Wabiga Tana 24-kii saac ee lasoo dhaafay, iyadoo gobolka laga soo warinayo geerida 50 ruux, gobolka ayaa ah midka ugu khasaaraha badan gudaha Kenya.

Dalka ku yaalla bariga Afrika ayaa waxaa toddobaadyo ka da’ayay roobab xooggan iyo daadad xooggan oo ka da’ay caasimadda Kenya ee Nairobi, iyo sidoo kale gobollada galbeedka iyo bartamaha dalka, waxaana gabi ahaan istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka, xilli loo aaneynayo roobka xadigoodu uu sareeyo.

Afhayeenka dowladda Kenya Isaac Mwaura ayaa Jimcihii beeniyay sheegashada ah in boqollaal qof ay ku dhinteen fatahaadda socota, wuxuuna sheegay in tirada rasmiga ah ay hadda mareyso 70, taas oo aad uga yar xogaha ay baahiyeen warbaahinta gudaha dalkaas oo sheegay in ka badan 100 ruux lagu waayay.

Shan meyd ah ayaa Jimcihii laga soo saaray wabi ku yaalla deegaanka Makueni ee bariga dalkaasi, kadib markii gaari xamuul ah oo ay la socdeen uu ka qaaday buundada qarqisay, sida uu warinayo TV-ga  lagu Citizen. 11 kale ayaa la soo badbaadiyay, kuwaas oo hadda lala tacaalayo sida hey’adda gurmadku xustay.

Madaxweyne ku xigeenka kenya Rigathi Gachagua ayaa Jimcihii ku sheegay shir jaraa’id in dowladdu ay u qoondeysay 4 bilyan oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 29 milyan oo doolar si loogu gurmado dadka dhibaateysan, balse ma uusan bixin faahfaahin dheeraad ah, waxaana jira cabsi laga qabo fatahaadaha.

Community Verified icon

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this