Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Howlgalka Nabad Ilaalinta ee Qaramada Midoobay oo Isaga Baxaya Gongo

Recommended Posts

Deeq A.   

Hawlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo in ka badan 20 sano dalkaa ku sugnaa, islamarkaana Xukuumadda kinshaaha ka taageerayay la dagaanka kooxaha hubaysan ayaa xiray mid ka mid ah saldhigyadii ugu muhiimsanaa, xilli ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan dalkan qalalaasu daashadeen ee ku yaalla bartamaha Afrika.

Hawlgalkan oo magiciisa loo gaabiyo MONUSCO, ayaa xirey saldhig weyn oo u dhow magaalada Bukavu, ayadoo Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobayna uu sheegay in nabad ilaaliyayaasha ugu badan ciidamada shisheeye ee dalkaa ku sugan oo ka soo jeeda Pakistan ay ka baxayaan gobolka Koonfurta ee Kivu, kadib in ka badan 20 sano oo ay halkaa ka howl-galayeen.

Sidoo kale Afhayeenka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaaladda new York ayaa sheegay in tan iyo sanadkii 2003 dalka Congo la geeyo in ka badan 100,000 oo nabad ilaalin ah oo intooda badani Pakistan ka soo jeedaan, kuwaa soo ka shaqeeyay Koonfurta Kivu, wuxuuna intaa ku daray in uu howl-galku socday ay 31 askari oo Pakistani ahi ku dhinteen gudashada waajibaadkooda, iyagoo u adeegaya Qaramada Midoobay iyo dadka Kongo.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ah ay qulqulatooyin iyo xasrado ka socdeen muddo ku dhow 60 sano, waxaana sanadkii 2003 ka dhacay mid kamida dagaalladii ugu waaweynaa ee qaaradda Afrika, xilligaa ayayna Qaramada Midoobay gaysay ciidankii ugu horreeyay oo nabad ilaalin ah.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this