Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 10 Qof oo Ku Geeriyootay Dab Ka Kacay Barazil

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay ka dib markii uu dab ka kacay huteel ku yaalla magaalada Porto Alegre ee koonfurta dalka Brazil, sida ay saraakiisha dab damisku sheegeen.

Shaqaalaha gurmadka degdega ee magaalada ayaa xaqiijiyay 10 oo ku sugnaa gudaha huteelka ay dhinteen , sida ay sheegtay waaxda dab damiska ee gobolka Rio Grande do Sul.

Dabka ayaa kacay abaaro 2-dii aroornimo ee xiliga maxaliga ah, sida ay saraakiishu sheegeen, Ku dhawaad ​​saddex saacadood ayayna ku qaadatay dab-damiska in ay xakameeyaan.

War qoraal ah oo ay soo saartay waaxda dab damiska ayaa lagu yiri “Khubarada dambi baarista ayaa ku sugan goobta si ay u aqoonsadaan dhibanayaasha oo ay baaraan waxa sababay dabka”.

Duqa magaalada Porto Alegre Sebastiao Melo ayaa ku qoray bartiisa X in dad badan oo dhaawac ah la soo badbaadiyay dabka oo loo qaaday isbitaalka, laakiin ma uusan sheegin tirada.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in tirada dhaawaca ay gaareyso 11 qof oo qaarkood xaaladoodu halis tahay, Sawirro la soo bandhigay ayaana muujinayay dhismaha oo uu holac ka kacayo, iyadoo kooxaha dab-damiska ay ku hawlan yihiin daminta dabka.

Nin 56 jir ah oo lagu magacaabo Marcelo Wagner Schelech oo u waramayay wargeys maxalli ah ayaa yiri”Kaliya waxaan helay wakhti aan ku xirto kabahayga oo aan ordo, Walaashay oo ku noolayd dabaqa saddexaadna waxay ku basbeeshay dabka ilaa ay dhimato”.

Si kasta ahaatee khasaaraha rasmiga ah ee dabka ka dhashay ayaa isi soo taraya, dhismaha intiisa badanina waa bas beelay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this