Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dhaqanka Mudulood oo dacwo ah Garaad Jaamac oo ka “been abuurtay Habargidir”

Recommended Posts

Deeq A.   
Garaad-Jaamac.jpeg?fit=720%2C767&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqanka beelaha Mudulood oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa eedeyn u jeediyey Garaadka Beesha Sool clan Garaad Jaamac oo maalin ka hor sheegay in Habargidir ay uga soo dacwootay Abgaal.

Odayaasha maanta hadlay waxay sheegeen in dhaqanka beelaha Madarkicis oo la isku dhaho Mudullood iyo Habargidir ay iska warsadeen arrintaas, isla markaana ay been noqotay in Habargidir ay ka dacwootay walaalahood.

Garaad Jaamac ayaa maalin ka hor sheegay in waxgaradka beesha Habargidir ay u soo dacwoodeen Garaad Jaamac, iyagoo ka cabanaya walaalahood Mudulood ama Abgaal, sida uu sheegay Garaadku.

Garaadka ayaa sheegay in Habargidir ay ka cabaneyso in Abgaal uu ka barakicinayo dhulkii ay ka deganaayeen Seybiyaano oo uu ka wado xerada Dabdamiska oo ciidanka booliska Soomaaliyeed uu dalbaday in laga guuro, balse markii dambe la hakiyey amarkaas.

Odayaasha u hadlay Mudullood waxay sheegeen inay raadiyeen oo la kulmeen walaalahood Habargidir, isla markaana ay weydiiyeen sababta ay ugu dacwoodeen beelaha Daarood, gaar ahaan Garaadka Sool clan, balse ay ogaadeen in hadalkii Garaadka uu ahaa been abuur ka dhan ah Habargidir.

“Garaad Jaamac waxaan ka rabnaa halka uu ku arkay Habargidir oo ka dacwooneysa walaalahood Mudulood, dhaqanka labada beelood waa is warsaday, mana jirto dacwada uu Garaadku sheegay,” ayuu yiri mid ka mid ah waxgaradkii hadlay.

Dhaqanka Mudulood ayaa beelaha Sool clan u sheegay in warkii ka soo yeeray Garaadkooda uu gef ku ahaa beelaha walaalaha ah ee Mudulood iyo Habargidir, iyagoo ka dalbaday dhaqanka Sool clan inay gogol dhigaan oo arrintaas garowsho ka bixiyaan.

Odayaasha Mudulood ayaa muujiyey inay ka xumaadeen hadalkii Garaad Jaamac oo maalmihii lasoo dhaafay aad loogu faafiyey baraha bulshada, dhulka Seybiyaano ee dabdemiska waxaa u soo baahatay hey’adda Booliska Soomaaliyeed.

Hadalkii Garaad Jaamac ayaa u ekaa in dhulkaas ay Abgaal ka barakicinayaan Habargidir, isagoo sheegay in Habargidir ay u soo dacwootay, isla markaana uu dhex dhexaadi doono labada beelood ee walaalaha ah sida uu hadalkiisa u dhigay.

Hoos ka daawo odayaasha Mudulood

The post Daawo: Dhaqanka Mudulood oo dacwo ah Garaad Jaamac oo ka “been abuurtay Habargidir” appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this