Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo maalmahan ku sugan Magaalada Nairobi ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Taliyaha Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaasi uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ugu jirto la dagaallanka AL-SHABAAB

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaad ay xilli waliba diyaar u yihiin ka qaadashada Xoraynta dalka horumarka Soomaaliya.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this