Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobey oo Ka Deyrisay Xaaladda ay Wajahayaan Kumannaan Reer Itoobiya ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ayadoo dagaallo culus iyo kacdoonno waaweyn ka socdaan gudaha dalkaasi Itoobiya ayaa waxaa la soo warinayaa in xaalad bini’aadantinimo oo aad u liidataahi ay ka jirto waqooyiga dalkaas.

Daraasiin dad ayaa ku dhintay colaadaha ka socda Woqooyiga Ethiopia, halka In ka badan 50,000 oo ruuxna ay ku barakeceen isku dhacyada halkaa ka jira , waxa ayna beesha caalamka ka muuujineysaa walaac xoogan oo ku saabsan rabshadaha ay qeybta ka yihiin dagaalada u dhaxeeya ciidanka iyo dagaal yahano ka tirsan Jahdaha FANO IYO OLF.

“Xaalada beni’aadinimo oo aad u daran ayaa jirta, kumanaan haween iyo carruur ayaa u baahan kaalmo deg-deg ah si loo badbaadiyo”sidaa waxaa tiri Qaramada Midoobey, oo soo xiganeysa mas’uuliyinta deegaannda lagu muran-san yahay ee ay ee kala sheegtaan Tigreega iyo Amxarada ee dalkaasi.

Ciidanka Amxarada ayaa qabsaday Raya Alamata oo dhacda koofurta Tigrey intii uu socday dagaalka labada sano jirsaday ee u dhaxeeya ciidanka maamulka Abiy Axmed ee ay ku qaadeen maamulka Tigreega ee woqooyiga dalkaasi.

Wararka dhiilada dagaalka xambaarsan ee ka jira Ethiopian iyo xaaaladaha beni’aadinimo ayaa keentay in beesha Caalamka iyo safaradaha dhowr dal oo ay ku jiraan Mareykanka, UK, Japan iyo France in ay ku baaqaan wadahdal deg-deg ah oo lagu yareynayo xiisadaha colaadeed si loo ilaaliyo dadka rayidka.

Colaadaha ka aloosan gudaha Itoobiya ayaa u dhexeey militari-ga dalkaas iyo Janhado hubaysan oo ka caraysan hab-maamulka Ra’iisulwasaare Abii Axmed, halka gobolada qaarna iska jiraan iska hor imaadyo u dhexeey qowmiyadaha oo dhul isku haysta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this