Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Gaashaandhigga oo Kulan Gaar ah La Qaatay Saraakiil Ka Tirsan Dowladda Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan gaar ah xarunta wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya kula qaatay mas’uuliyiin iyo Saraakiil Ciidamada Turkiga ka tirsan oo saarnaa Markabkii dagaalka ee dhowaan soo gaaray Muqdisho.

Ajendaha kulanka ayaa ahaa qorsheyn iyo qaabeyn lagu dhiraan-dhirinayo hannaanka fulinta qodobo kamid ah heshiiskii Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan arrimaha tababarrada iyo taakuleynta ciidamada Soomaaliya.

Kulankaas oo intiisa badan diiradda lagu saaray arrimaha ciidamada ayaa waxaa qeyb ka ahaa Taliye ku xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed S/Guuto Madey Nuurey Sheikh iyo saraakiil kale.

Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya taageera, wuxuuna tababar iyo qalabaynba u sameeyaa qaar kamida cutubyada ugu tayada wanaagsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this