Sign in to follow this  
Deeq A.

Xujo weyn oo hortaalla madaxda maamullada xilli uu Abiy wado qorshe halis ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Madax-goboleedyada.jpg?fit=1920%2C1080&s

Muqdisho (Caasimada Online) – 100 maalmood ee soo aadan xasaasi ayay u tahay Soomaaliya. Dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada ayaa jeexanaya qaabka ay madaxdooda usii wada ceeshi karaan ama u kala ciidan tagi karaan.

Dowladda Itoobiya ayaa il gaar ah ku eegaysa xaaladaas. Intii la socotay warbixinadayadii ugu dambeeya dowladda Itoobiya waxay wada-hadallo hoose la wadaa madaxda laba kamid ah maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya, si ay ugu xirmaan magaalada Addis Ababa.

Tan iyo 1-dii bishii Janaayo ee sanadkaan dowladda Itoobiya waxay kala kulantay siyaasadda arrimaha dibadda guul-darro siyaasadeed iyo dharbaaxo aanay sanadahan arag.

Shirkii u dambeeyay ee dalalka G7 si weyn ayaa Itoobiya loogu dhalleeceeyay duulaanka qaawan ee ay ku qaaday midnimada iyo madax-banaanida Soomaaliya. Waxaana kale oo la sawiray halista kala taga qarameed ee ay wajaheyso Itoobiya, iyada oo dalalka G7 taageero u muujiyeen midnimada Soomaaliya.

Iyada oo loo jeedo mowqifka dalalka G7 ee xiisadda labada waddan, lana xasuusto dhibcihii diblumaasiyadeed ee ay Soomaaliya kasoo hoysay Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, Qaramada Midoobay, Mareykanka iyo Jaamacadda Carabta iyo dhanka kale hoos u dhaca siyaasadeed ee gaaray Addis Ababa.

Dadka Soomaalida waxay is-weydiinayaan madaxda maamul goboleedyada dalkooda ma u gacma qaban doonaan Itoobiya.

Dhawaan Puntland ayaa ku xiratay Itoobiya, waxaana muuqata in aanay taageero badan uga helin Soomaalida dhexdeeda sababtuna waa in aanay dadka Soomaaliyeed sinaba ugu faraxsaneyn inay arkaan qarankooda oo loogaga adkaanayo fagaarayaasha caalamka.

Itoobiya si ay uga jawaabto dharbaaxada uu madaxweyne Xasan Sheekh kaga soo dhuftay dhanka siyaasadda arrimaha dibadda waxay ka shaqeynaysa inay ka hor keento maamul goboleedyadiisa oo ay halkaasi ka fuliso aargoosi.

Cidda keliya oo riyadaasi u rumeyn karta Itoobiya waa maamul goboleedyada ka jira Soomaaliya. Laba kamid ah madaxda maamullada ayaa hadda lagu qalqaalinaya inay tagaan magaalada Addis Ababa oo ay la kulmaan ra’iisul wasaare Abiy Axmed, loona sameeyo soo dhaweyn u maqaam eeg sida qaran madax-banaan.

Haddii uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed taas ku guuleysto dharbaaxo culus ayay ku noqon doonta Soomaaliya laakiin waa mid ay isla Soomaali kale sababteeda qaadan doonto.

Madaxda maamullada ee Itoobiya qal-qaalada ku wado waxaa haysta imtixaan culus oo ah sida ay iskaga badbaadin karaan inay dhaawacaan qarannimadooda.

Si walba oo loo diidan yahay habka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku wado siyaasadda arrimaha gudaha, haddana majiro hoggaamiye Soomaali ah oo libin ku heli doona inuu raaco Itoobiya.

Madaxda maamullada ee ka gadoodsan madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u haboon inay kula diriraan gudaha dalka, shirarka Golaha Wadatashiga Qaran iyo fagaarayaal ay Soomaali fadhiso, balse aanay sumcadooda siyaasadeed iyo qiimahooda shaqsiyadeedba ku burburin inay dalkooda usoo raacan dal kale, Abiy Axmed aanay ka dabcin culeyska uu kala kulmayo caalamka iyo gudaha dalkiisaba.

Dowladda Itoobiya ayaa la fahamsan yahay inay wax walba ku bixin doonto inay madaxweyne Xasan Sheekh gudaha dagaal uga furto, si uu kaga mashquulo dagaalka uu waqtiga badan gelinayo ee siyaasadda arrimaha dibadda.

Dadka Soomaalida waa inay si weyn oo foojigan isha ugu hayaan madaxda maamullada ee xilligaan isku dayaya inay raacan Itoobiya.

The post Xujo weyn oo hortaalla madaxda maamullada xilli uu Abiy wado qorshe halis ah appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this