Sign in to follow this  
Deeq A.

Suldaan kamid ahaa Salaadiin-tii qeybta ka aheyd shirkii Carta oo lagu aasay Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   
438079165_886180183518947_33207969947366

Jowhar (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle lagu aasay Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ahaa Suldaanka beellaha Lixda Shiidlo, oo saaka waaberigii geeriyooday.

Meydka Suldaan Axmed Rashiid ayaa Salaadda Janaasada lagula tukaday garoonka kubada cagta Xasey Kumaari ee magaalada Jowhar, ayada oo tukashada salaad ka qeyb-galeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka HirShabelle iyo tan degmada.

Suldaan Axmed Rashiid AUN ayaa kamid ahaa odey dhaqameedkii ka qeyb-galay shirkii Carta ee dib loogu yegleelay dowladda Soomaaliya sanadkii 2000.

Suldaanka ayaa kaalin muuqata ku lahaa dadaallada dib-u-heshiisiinta ee gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu qeyb ka ahaa xulista xildhibaannada reerkiisa ku matala barlamaanka Soomaaliya iyo kan gobolleedka Hirshabeelle, isaggoo kamid ahaa 135-ta odey ee u diiwaan-gashan wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo ka tacsiyadeeyay geerida Suldaanka ayaa waxa uu sheegay inuu naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u adeegida shacabka HirShabelle.

“Allaha u naxariistee Marxuum Suldaan Axmed Rashiid waxa uu kaalin wayn ka soo qaatay aasaaska iyo dowlad dhiska Hirshabeelle iyo sidoo kale dadaalada nabadeynta bulshada,” ayuu Cali Guudlaawe ku yiri qoraal uu kasoo saaray.

Waxa uu intaas kusii daray “Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Qoyska, Ehelada iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.”

The post Suldaan kamid ahaa Salaadiin-tii qeybta ka aheyd shirkii Carta oo lagu aasay Jowhar appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this