Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare ee Mareykanka oo ansixiyey deeqda militari ee Ukraine, Israa’iil, Taiwan iyo Xayiraada TikTok

Recommended Posts

Deeq A.   

Senate-ka Mareykanka wuxuu ansixiyey xirmo deeq militari oo gaadheysa $ 95 bilyan salaasadii, waxaana deeqdan horey usoo ansixiyey Aqalka Wakiilada Sabtidii lasoo dhaafay, iyada oo la filayo inuu dhawaan saxiixo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.

Senatarrada ayaa u codeeyay 79 taageeray, halka 18 Senator ay diideen.

Deeqdan ayaa $ 60.8 bilyan loo qoondeeyey wadanka Ukraine, halka $ 26.4 bilyan loogu talo galay Israel iyo $ 8 bilyan oo lasiin doono xulafada Taiwan si looga hortago Shiinaha.

Sharci kale oo la ansixiyey ayaa isaguna la xadhiidha xayiraada shirkadda TikTok iyo cunaqabatayn lagu soo rogi doono Iran, China & Russia.

Xayiraada TikTok

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa sidoo kale salaasadii ansixiyay sharci lagu xakameenayo Shirkadda TikTok, sharcigan oo qoraya in Shirkadda TikTok laga wareejiyo shirkadda iskaleh ee ByteDance oo laga leeyahay Shiinaha ama laga xidho suuqa Mareykanka.

Mareykanka ayaa ku doodaya in Shirkadda TikTok xogta shacabka Mareykanka ee adeegsada ay la wadaagi karto Dowlada Shiinaha iyo Sirdoonkooda.

Balse arrinta ugu weyn ee TikTok lagu cadaadinayo ayaa ah, in ay isticmaalaan inta badan dhalinyarada Mareykanka, kuwaasi oo si weyn uga soo horjeeda siyaasada Arrimaha Dibada ee Mareykanka, sidoo kalena aad uga soo horjeeda xasuuqa Israel ka wado Gaza.

Kooxaha u ololeeya Israel ayaa dadaal dheer ugu jiray in la xidho shirkadda Tiktok suuqeeda Mareykanka si ayna saameyn ugu yeelan siyaasadda dalkaasi.

TikTok ayaa sheegtay inay tahay “nasiib darro” in Xildhibaaanda Mareykanka ay taageeraan sharcigan ku tumanaya xuquuqda hadalka ee 170 milyan shacabka Mareykanka ee isticamaala TikTok, sidoo kalena burburinaya toddobo milyan oo ganacsi. Shirkadda TikTok ayaa Dhaqaalaha Mareykanka ku biirisa $24 bilyan, sannad walba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this