Sign in to follow this  
Jacaylbaro

$ 2000 For Mediating the Daroor Conflict

Recommended Posts

Hay’ada Islaamiga ee Huda Oo Deeq Lacageed Oo Dhan $ 2,000 Dolar Gudoon Siisay Gudidii Nabadeynta iyo Dib u heshiisiintii Beelaha Garxajis.

 

 

hadhwanaag 2007-06-13 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN): Hay’ada dacwada Islaamka [Huda] ayaa shalay Deeq lacageed oo qadarkeedu dhan yahay $ 2,000 Dolar gudoonsiisay Gudidii nabadeynta Beelaha walaalaha ah ee Garxajis ee colaadii dhawaan ku dhexmartay deegaanka Daroor ee Kililka shanaad ee Ismaamulka Soomaalida Ethiopia la soo afjaray.

 

Munaasibad loo sameeyey kala gudoonka deeqda lacageed oo lagu qabtay Hotel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qeybgalay Muftiga weyn ee reer Somaliland Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, Masuuliyiin sar sare oo ka tirsan hay’ada Dacwada Islaamka Huda, xubno ka mida Gudidii nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Beelihii ******** ee xurguftu dhexmartay iyo Marti sharaf kale.

 

Waxa deeqdan lacageed bixisay oo ku deeqday Gudida qaarada Afrika ee Hoos-timaada Jimciyada Ixyaa’u-turaab Al-islaami ee fadhigeedu yahay wadanka Kuwait, waxaana wakiil uga ahaa oo fulisay hay’ada dacwada Islaamka [Huda]

 

Gudoomiyaha Gudida Fulinta Hay’ada dacwada Islaamka [Huda] Sheekh. C/naasir Iid Maxamed oo ugu horeynba halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay inay munaasibadan u qabteen inay xoogaha lacag tabaruca ku wareejiyaan gudidii dib u heshiisiinta beelihii ******** ee walaalaha ahaa ee dhawaan xurguftu ku dhex martay deegaanka ****** ee Kililka shanaad ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

 

Sh.C/naasir waxa uu tilmaamay inay cidkasta ay dedaal u gashay sidii colaada ka dhex aloosantay labada beelood ee walaalaha ah loo damin lahaa, isaga oo arrinta tafaasiil ka bixinayana waxa uu yidhi “Anagu hadaanu nahay hay’ada dacwatul islaamiya ee Huda, wakhtigii xaaladaasi taagnayd waxaanu gudbinay dalab [Gudida qaarada Afrika ee Hoostimaada Jimciyada Ixyaa’u-turaab Al islaami] aanu doonaynay inaanu hawshaa kaga qeybgalno, waxa dalabkii na soo gaadhay iyada oo ay hawshii iska demtay.”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ Laakin ha noqdaan kharashaad hore u baxay, ama ha noqdaan qaar imika loo baahan yahay, oo la doonayo si aanay mar danbe u soo noqon in lagu dardargeliyo hawlihii nabadeynta, waxay nala noqotay inaan hawshii ka hadhin oo xiligan ay mareyso ka qeybgalno.”

 

“Deeqdaas tabaruca oo qadarkeedu tahay $2,000 dolar inaanu ku wareejino gudida dib u heshiisiinta beelaha ******** oo ay gudidoodi halkan fadhiyaan” ayuu yidhi Gudoomiyaha Gudida fulinta ee hay’ada Dacwatul Islaamiya [Huda] oo ka hadlayey deeqda lacageed ay hayadoodu ku wareejisay xubno ka mida gudidii dib u heshiisiinta Beelaha ********.

 

Sheekh C/naasir waxa uu sheegay inay dedaalkooda Mustaqbalku noqondoono sidii ay hawlaha nabadeynta kaalintooda uga qeyb qaadan lahaayeen oo ay ka sii kordhindoonaan. isla markaana waxa uu xusay inay hay’adooda ay ku cusub tahay hawshan ay ka qeybqaateen, oo ay hay’adoodu ku shuqul lahayd dhinaca tacliinta

 

Sheekh Yuusuf Aadan Maxamed oo isagu ka mid ahaa Gudidii dib u heshiisiinta beelaha ******** ee ay colaadu dhawaan ku dhexmartay Deegaanka Daroor ee Kililka shanaad ee Ethiopia, isla markaana deeqda lacageed gudoomay ayaa waxa uu u mahad celiyey hay’adii soo bixisay deeqda lacageed oo la yidhaahdo Gudida Qaarada Afrika ee Hoos-timaadaa Jimciyada Ixyaa’ul-turaab Al-islaami iyo Hay’ada u gudbisay dalabka Hay’atul dacwatul islaamiya [Huda], ee na soo gaadhsiisay..

 

“Anagoo dadkaas oodhan u wada mahadinayna, ayaanu deeqdii lacageed ka gudoonay, hadaanu nahay gudidii dib u heshiisiinta iyo nabadeynta Beelaha Garxajis ee shaydaanku isku fidmeeyey, iyada oo ay arrintaasi maanta mareyso meel fiican.” Ayuu yidhi Yuusuf Aadan Maxamed

 

Muftiga weyn ee reer Somaliland Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in wixii wanaaga ama dib u heshiisiina qofba inta uu kaga qeybqaato uu ajarkeeda leeyahay, isla markaasi waxa uu u mahad-celiyey hay’ada Dacwatul Islaamiya [Huda] oo uu sheegay inay tahay hay’ad da’aweyn oo mudo soo jirtay meelaha ay ka hawlgashana ay tahay tacliinta, dugsiga kaliya ee Magaalada bilaasha lagu dhigto oo ardey badan oo kun ku dhow ayaa ku jirta, isla markaana waxa ka shaqeeya labaatan macalimiin, waana dugsi hoose dhexe, Sare oo la yidhaahdo Madarasatul Ismaaliya, ayuu yidhi.

 

“Dadka gudaha iyo kuwa dibadu inay iskaashadaan waa lagama maarmaan, oo ay dalkooda iyo dadkooda horumariyaan waana mid waajib ah, intani ha iska koobnaatee [Deeqda lacageed] waa in talaabada halkii laga sii wada wixii halkan ama meel kale loo soo heli karo waa inay qolada hay’adu dedaalaan” ayuu yidhi Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sheekh Dirir waxa uu sheegay inay farxad weyn tahay inay soo afjarantay colaadi u dhaxeysay labada beelood ee walaalaha ah, waxaanu sheekhu ilaahay ka baryay inaanay mar kale dhibaatadu dib u soo noqon, isla Markaana waxa uu soo jeediyey sidii loogu gurmaday ee looga qeybqaatay deminta colaadii dhexmartay Beelaha ******** ee walaalaha ah, in iyadana loogu gurmado oo kale ta Buuhood ka dhacday ee taagan, ayuu yidhi.

Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar ka mida gudidii nabadeynta iyo dib u heshiisiinta Beelaha ******** oo kala ahaa Weli Aw Barakaale, Sheekh C/laahi Aw faarax C/laahi, Cismaan kaahin iyo Xuseen Cumar Muuse oo dhamaantoodba ka waramay sida loogu baahan yahay marka ay dhacdo colaad noocan oo kale in loogu gurmado, sidii loogu gurmaday tii Beelaha ********, isla markaana loogu gurmado ta ka dhacaday Buhoodle waxaanay sheegeen inay hawlihii dib u heshiisiintu ay marayaan wakhtigan Meel wanaagsan oo ay soo afjarmeen.

 

[ June 14, 2007, 02:50 AM: Message edited by: Libaax-Sankataabte ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this