Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Mareykanka oo Xabsiga Dhigay Bannaanbaxayaal Taageerayay Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska dalka maraykanka ayaa xiray daraasiin dad ah oo dibadbaxyo ay Falastiiniyiinta ku taageerayaan dhigayay, kuwaa soo isugu soo baxay afaafka hore ee Jaamacada Yale ee magaalada Connecticut iyo Jaamacadda New York ee Manhattan, iyadoo dadka ka caraysan dagaalka Qasa ay kacdoonno waaweyn ka wadaa gudaha Mareykanka.

Rabshadahan ayaa yimid ka dib markii jaamacadda Columbia maalmo ka hor baajisay dhammaan xiisadihii ka socday, taas oo lagu sababeeyay bannaanbaxayaal aagga jaamacadda xirtay oo teendhooyin ka sameystay.

Bannaan-baxayaashan cusub ee booliiska gacanta iskula tageen ayaa xannibay isu socodkii agagaarka xarunta jaamacadda Yale ee ku taal New Haven, Connecticut, iyagoo dalbanaya in la joojiyo taageerada hubka milatari iyo dhaqaalaha uu Mareykanku siiyo Israa’iil.

Booliiska ayaa xiray in ka badan 45 mudaaharaadayaal ah, sida ay qortay warbaahinta Yale Daily News, waxaana la filayaa inay dibadbaxyo kale oo waaweyn ka dhacaan magaalooyin hor leh.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this