Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyay doon sidday muhaajiriin oo ku degtay xeebaha JABUUTI

Recommended Posts

Deeq A.   
Tahriibayaal.png?fit=1018%2C541&ssl=1

Jabuuti (Caasimada Online) – Laanta Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM ayaa maanta sheegtay, in ugu yaraan 16 muhaajiriin ah ay ku dhinteen meel ka baxsan xeebaha Jabuuti dhawaan, kaddib marki ay la qallibantay dooni ay la socdeen.

Hay’adda IOM waxay sheegtay in sidoo kale la la’yahay 28 kale oo ka mid ahaa 77 qof oo la socday doonta.

Qoraal ay IOM ku daabacday barta X ayey ku sheegtay in dadka doonta saarnaa ay ku jiraan caruur.

Shilkaan ayaa ah kii labaad oo ka dhaca aagaasi, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Ugu yaraan 38 qof oo ay ku jireen carruur ayaa ku dhintay masiibo laba todobaad ka hor ka dhacday meel u dhaw xeebaha Jabuuti, kaddib marki ay dagtay dooni ay saarreeyeen dad muhaajiriin ah.

IOM ayaa sheegtay in xafiiskeeda Jabuuti uu ka qeyb-qaadanayo howlaha gurmadka ah ee lagu caawinayo dhibanayaasha.

VOA

The post Wararkii ugu dambeeyay doon sidday muhaajiriin oo ku degtay xeebaha JABUUTI appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this