Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabad Lagu Daahfurayay Heshiiska Difaaca Badda oo Lagu Qabtay Dekadda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Munasabad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu soo dhaweynayo markab dagaal oo uu Turkigu Soomaaliya u soo diray ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadda ka qeyb galay madaxda ugu sareysa dowladda.

Munasabadda waxaa ka qeyb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Safiirka dalka Turkiga, iyo masuuliyiin kale oo dublumaasiyiin iyo xubno dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga kala socda isugu jira.

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay imaanshaha markabku uu caddayn u yahay mira-dhalka heshiishkii difaaca ee ay dhowaan Soomaaliya Turkiga la gashay, wuxuuna Madaxweynaha iyo shacabka Dalkaasba uga mahadceliyay taareerada iyo garab istaagga ay Soomaaliya u muujiyeen, isagoo intaa ku daray in mar kastoo ay Soomaaliya xaalad adag iyo duruufo soo wajahaan uu Turkiga degdeg ugu soo gurmado.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay inay walaalnimada iyo saaxiibtinimada labada xilli fog ka hor billaabatay, islamarkaana ay Turkigu kasbadeen kalgacaylka iyo walaalnimada ummadda soomaaliyeed, wuxuuna tacsi u diray ehelada Sama-fayaal Turki ah oo dhowaan qarax lagula eegtay muqdisho ku geeriyooday.

Sidoo kale Wasiirka gaashaandhiga Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa tibaaxay in dowladda Turkigu ay muddadii koobnayd ee heshiisku jiray qaaday tillaabooyin waaweyn oo imaanshaha markabku kamid yahay, kuwo kalena ay dhowaan rajaynayaan inay dalka soo gaari doonaan.

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa dhankiisa Sheegay inay ka go’antahay inay Soomaaliya ku garab istaagaan difaaca iyo ilaalinta madax-bannaanideeda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in ammaanka Soomaaliya uu la midyahay midka Turkiga oo ay isku si u dhowri doonaan.

Denjiruhu sidoo kale wuxuu carrabaabay in safaaradda ugu weyn ee uu Turkigu ku leeyahay dunidu ay midda Muqdisho, taase ay tusaale u tahay sida ay Soomaaliya u danaynayaan, islamarkaana ay uga go’antahay inay si hagar la’aan ah u garab istaagaan.

Turkiga ayaa kamida dalalka ugu muhiimsan ee Soomaaliya taageera, imaanshaha markabkanina wuxuu qeyb ka yahay heshiis ay dhowaan labada dhinac wada galeen oo ku saabsanaa difaaca badda iyo madax-bannaanida Soomaaliya ka dib markii ay Itoobiya ku soo xad-gubtay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this