Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo Ka Wadahadlay Dardargelinta Dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiiir kuxigeenka Wasaarada gaashaandhiiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya Saraakiil sare oo ka socday Wasaaradda Difaaca Maraykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqaynta dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinacyada ammaanka iyo la dagaalanka kooxda Alshabaab.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in kulankaan uu muhiim u yahay sidii loo xoojin lahaa qalabaynta iyo tababarida ciidanka xoogga dalka ee hada ku jira dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Wasiiir kuxigeenka Wasaarada gaashaandhiigga XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim ayaa asna dowladda Maraykanka uga mahadceliyey sida ay uga go’an tahay garab istaaga dowlada Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa kamida dalalka Soomaaliya sida weyn u taageera, waxayna tababar iyo qalabayn u samaysaa ciidanka Danab oo kamida cutubyada ugu tayada wanaagsan Xoogga Dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this