Sign in to follow this  
Deeq A.

Hoos u Dhac Xooggan oo Laga Dareemayo Suuqyada Caalamka ee Dahabka, Xilli Soomaaliya uu Sare Kacay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qeymaha dahabka caalamka ayaa hoos u dhacay heerkii ugu hooseeyay ah gaaray labadii toddobaad ee ugu dambaysay, ka dib markii xiisadda Bariga Dhexe yaraatay oo dhiilladii dagaalku qabowday.

laba toddobaad gudahood markii xiisadda Bariga Dhexe ay yaraatay Qiimaha dahabka ayaa hoos u dhacay in ka badan 2%, taasoo ah heerkii ugu hooseeyay, ayadoo uu hoos u dhacani ka dhashay cabsi laga qabo in xiisadda bariga dhexe ay cirka isku sii shareerto.

Hoos u dhacanna ayaa kamida saameynta ay xiisadda bariga dhexe ku yeelatay gobolka iyo guud ahaan caalamka, waxaa’se haadan muuqanaysa inay xasraddu sidii hore ka qabowday oo ay dhinacyadu is xakamaynayaan.

Cuuqyada magaalada Muqdisho maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga dareemayay sare kac ku yimid Dahabka, xilli suuqyada caalamka uu si aad ah hoos ugu dhacay, waxaana la ogeyn sababta keentay sare kaca ka jira dalka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this