Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda oo war culus kasoo saartay colaadda beelaha ‘ee xarka goosatay’

Recommended Posts

Deeq A.   
xoosh2.jpg?fit=1500%2C900&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa maanta bayaan kasoo saartay dagaal beeleedyada kusoo laab-laabtay qeybo kamid ah dalka.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto “colaadaha gaystay khasaaraha aan loo baahneyn ee beelaha walaalaha ah ku dhex-maraya gobollada dalka”.

Sidoo kale waxay ku baaqday in qeybaha dirirtu ka dhaxeyso ay joojiyaan colaadaha iyo daadinta dhiiga sokeeya, islamarkaana laga shaqeeyo nabadda, xasiloonida, wada noolaashiyaha iyo wada-jirka bulshada.

“Wasaaraddu waxay marwalba diyaar u tahay hormuudnimada dadaallada nabadeynta,” ayaa lagu yiri baaqa kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya, kaasi oo dowlad-goboleedyada, odayaasha dhaqanka, culimada iyo dhamaan qeybaha bulshada in ay kaalin ka qaataan daminta colaadaha socda.”

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay inay xoojineyso ajendaha qaran ee ah in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qoraalka Wasaaradda marnaba si gaar ah looguma xusin colaad beeleed ka taagan gobol gaar ah, xilli maalmo kahor uu maleeshiyo beeleed uu dagaal ku dhex-maray degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Sidoo kale waxaa jira magaalooyin kale oo ka tirsan Koonfur Galbeed, sida Diinsoor iyo Buurhakaba oo iyana ay ka taagan yihiin dagaal beeleedyo, taasi oo ay faro-gelisay dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ciidan gaysay degmooyinkaasi.

438817674_984138853078319_30908155086818

The post Dowladda oo war culus kasoo saartay colaadda beelaha ‘ee xarka goosatay’ appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this