Sign in to follow this  
Deeq A.

Markab dagaal oo Turkigu lee yahay oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
438171763_1115530466330202_6492907836442

Markabkii ugu horeeyay ee nooca dagaalka ah oo laga lee yahay dalka Turkigu ayaa maanta ku soo xirtay dekeda magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in markabka dushiisa lagu qabanayo munaasabad ku saabsan heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya oo ay ka qeyb-galaayaan madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka.

Tan ayaa ah billowga dhaqangalka heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saleysnaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya, kaas oo mudadiisu tahay 10 sano sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

“Heshiiska labada dal ayaa ah mid taageeraya horumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada”.

“Ka hor tagga  wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato  Ciidan Badeed oo ku filnaada  difaaca baddeenna” ayaa lagu yiri war ay daabacday warbaahinta dowladda Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Markab dagaal oo Turkigu lee yahay oo ku soo xirtay dekedda Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this