Sign in to follow this  
Deeq A.

Koox ku xiran IRAN oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ay leeyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   
US-base-saldhig-Mareykan.jpeg?fit=1500%2

Baghdad (Caasimada Online) – Gantaallo laga soo tuuray Woqooyiga Ciraaq ayaa lagu weeraray saldhig ay Suuriya ku leeyihiin isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo, sida ay ku warrameen ciidamada amniga Ciraaq.

Isbaheysiga la-dagaalanka kooxaha jihaad doonka ayaa sheegay in mid ka mid ah diyaaradahooda dagaalka ee Ciraaq ay “burburisay gantaal ayaga oo is-difaacaya kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya weerar gantaal oo fashilmay,” meel u dhow saldhig ku yaalla waqooyi bari Suuriya.

“Ma jiro wax dhaawac ah oo soo gaaray shaqaalaha Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo isbaheysiga ay siiyeen AFP.

Waa weerarkii ugu horeeyay ee culus oo lagu qaado ciidamada isbaheysiga muddo dhowr toddobaad ah.

Waxa uu kusoo beegmay maalmo kadib markii la sheegay in Israel ay ka jawaabtay weerar ay Iiraan ku qaaday ayada oo adeegsaneysa diyaarado aan duuliye lahayn.

Ciidamada Ciraaq ayaa goor sii horeysay sheegay in howlgal baaritaan oo ballaaran ay ka sameeyeen waqooyiga gobolka Nineveh ayna ku heleen gaarigii loo adeegsaday weerarka.

Bayaanka ka soo baxay ciidamada ammaanka Ciraaq ayaa ku eedeeyay “canaasiir fallaago ah in ay gantaallo la beegsadeen saldhigga isbaheysiga caalamiga ah ee bartamaha dhulka Suuriya”, abaare 9:50 habeenimo (1850 GMT).

Ciidamada amamanka waxa ay gubeen gaarigii ku lugta lahaa weerarka, ayaa lagu yiri bayaanka.

Rami Abdel Rahman, oo ah agaasimaha kooxda kormeerka xuquuqda aadanaha Suuriya, ayaa sheegay in dhowr gantaal oo laga soo tuuray “dhulka Ciraaq lala beegsaday saldhigga Kharab al-Jir”, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka.

Waxa uu ku eedeeyay in weerarka ay fulisay Kooxda Muqaawamada Islaamiga ah ee Ciraaq, oo ah isbahaysi ka mid ah kooxaha ay taageerto Iiraan.

Kooxdan ayaa sheegatay inta badan weeraradii lagu qaaday ciidamada Mareykanka ee la fuliyey bartamihii October illaa horraantii Febraayo.

The post Koox ku xiran IRAN oo weerar ku qaaday saldhig ciidamada Mareykanka ay leeyihiin appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this