Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Kulan La Qaatay Xubno Ka Tursan Baarlamaanka Bariga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay Xildhibaano ka socday Baarlamaanka ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee loo soo gaabiyo (EAC ) oo dhowaan Muqdisho soo gaaray.

Wefdigan ka socday ururka (EAC) ayaa guddoomiyaha golaha Shacabka la wadaagay si ay u shaqeeyaan, waxayna uga jawaabeen weydiimo ku saabsanaa xeerarkooda iyo waxyaabaha ay qabtaan.

Sidoo kale waxay sheegeen muhiimadda ay leedahay in la dhammaystiro hab-raaca kamid noqashada Soomaaliya ee ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, iyo sidii ay degdeg ula falgeli lahayd laamihiisa kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa dalalka ku mideysan ururkan ku bogaadiyay dadaalkoodii ku aaddanaa sidii ay Soomaaliya xubin buuxda uga noqan lahayd, xubnaha wefdiguna waxay kormeereen Xarunta golaha Shacabka Soomaaliya, ayagoo ugu dambayn guddoomiyaha guddoonsiiyay xeerarkii iyo heshiishkii lagu aas-aasay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this