Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex madax goboleed oo ku sugan Muqdisho iyo kulamo socda + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
Qoor-Qoor-Lafta-gareen-Guudlaawe.jpg?fit

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo caasimada u yimid shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo dib u dhac ku yimid.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda dowlad-goboleedyada ku casuumay shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu dhaco 20-kii bishaan, balse uu arrimo farsamo u baaqday, sida ay sheegtay Villa Somalia.

Shirkan ayaa waxaa qaadacay hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, halka uu ka maquurtay sida muuqata hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo waayahan lasoo warinayay inay kala furteen madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxda dowlad-goboleedyada saddexda ah ee ku sugan Muqdisho ayaa waxaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Xoosh.

Mudane Xoosh ayaa kullamada gaar-gaarka ah ee uu maanta la yeeshay madaxda dowlad-goboleedyada isugu jiray is-xogwareysiga iyo wada-shaqeynta dhinacyada, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha.

“Inta mas’uuliyiintani ay fadhiga lahaayeen arrimaha si horudhac ah looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa; wada-shaqeynta wasaaradda iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, hortabinnada qaranka iyo qaar kale,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda ee kulamadan kasoo saartay.

Kulamada maanta Muqdisho ku dhex-maray wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya iyo madaxda dowlad-goboleedyada Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ahaa mid miro-dhal ah.

Axmed Qoor-Qoor, Cali Guudlaawe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa weli Muqdisho u jooga qabsoomida shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo uu xafiiska ra’iisul wasaaraha shaaciyay in dib loo dhigay muddo kooban, iyadoo aan la shaacin waqtiga la isugu imaanayo.

Sababta waxaa lagu sheegay in shirkaas uu iclaamiyey madaxweyne Xasan Sheekh uu u baaqday arrimo farsamo, balse faah-faahin kale lagama bixin arrimahaas.

438925102_983666536458884_89051763539355

xoosh.jpg?resize=696%2C418&ssl=1

cali-guudlaawe.jpg?resize=696%2C418&ssl=

439011304_983666579792213_91582887274055

439631921_983668896458648_29183903909562

439018243_983668886458649_63821904961254

439032722_983668906458647_26433636261010

qoor-qoor.jpg?resize=696%2C418&ssl=1

lafta-gareen.jpg?resize=696%2C418&ssl=1

439035955_983676809791190_49911259224846

xoosh2.jpg?resize=696%2C418&ssl=1

439893280_983679726457565_47682828298188

The post Saddex madax goboleed oo ku sugan Muqdisho iyo kulamo socda + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this