Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Colombia oo Bilaabay Dibadbaxyo Ka Dhanka Madaxweynaha Talada Haya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dadweyne aad u badan oo ka mudaaharaadaya isbedelada ay dowladdu qorshaynayso ayaa isugu soo baxay qaar kamida magaalooyinka waaweyn ee dalka Colombia, waxayna dibad-baxayaashu ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan ah siyaasadaha madaxweyne Gustavo Petro oo ay ku tilmaameen aan danta dadka u adeegayn.

Dadkan ayaa diidan qorshe ay dowladdu ku doonayso inay dib u habeyn ugu sameyso daryeelka caafimaadka, hawl-gabka, shaqada, iyo nadaamka xabsiyada, dadweynaha ayaana qorshahaas si weyn uga soo horjeestay.

Isku soo baxyo hor leh oo waaweyn ayaa sidoo kale la filayaa inay magaalooyin kale oo dalkaa kamida ka dhici doonaan, si madaxweyne Petro loogu cadaadiyo inuu isbedellada uu qorshaynayo ka baaqsado

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this