Sign in to follow this  
Deeq A.

Catriona Laing oo bisha May bannaynaysa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1713798685688.jpg?resize=720%2C48

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Laing ayaa muddada xil-haynta Xafiiskaasi soo geba-gebaynaysa bisha May ee sannadkan 2024.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramasa Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu sheegay in Catriona Laing Hawsheeda soo geba-gebanayso bisha May ee soo socota.

“Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing, ayaa soo gebagebeynaysa hawsheeda bisha Maajo” ayaa lagu yiri Qoraalka ka soo baxay UNSOM.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto isla markaana Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah, ay sii wadi doonaan dowrka muhiimka ah ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda waddada nabadda iyo xasilloonida.”

“Shakhsi ahaan, Soomaaliya waxay ii tahay goobta rajada iyo saaxiibtinimada, waana sii wadi doonaa taageerada iyo u qareemidda Soomaaliya meel kasta oo aan joogo,” ayaa laga soo xigtay Mw. Laing

PUNTLAND POST

The post Catriona Laing oo bisha May bannaynaysa xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this