Sign in to follow this  
Deeq A.

Catriona Laing oo lasoo gaabiyay howl-galkeeda Muqdisho iyo farriin ay u dirtay Soomaalida

Recommended Posts

Deeq A.   
Catriona-Laing-.jpg?fit=1920%2C1280&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Laing ayaa lasoo gaabiyay howl-galka shaqo ee ay u joogtay Soomaaliya.

Sida uu shaaciyay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Catriona Lainga ayaa gaba-gabeynaysa hawsheeda bisha May ee sanadkaan, taasi oo loo magacaabay bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka.

Marwo Catriona Laing ayaa sidoo kale soo saartay farriin kooban oo sagootis ah, taasi oo ay ku sheegtay inay kalsooni buuxda ku qabto in Soomaaliya ay guuleysan doonto, islamarkaana ay sii wadi doonto taageerada Soomaaliya.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Soomaaliya ay guuleysan doonto iyo in Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, oo ay wehliyaan saaxiibadayada caalamiga ah ay sii wadi doonaan doorka muhiimka ee lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ku socda wadada nabadda iyo xasilloonida,” ayey tiri Ms. Laing.

Waxay intaas kusii dartay “Waan sii wadi doonaa taageerada iyo u doodista Soomaaliya meel kasta oo aan joogo.”

Catriona ayaa lasoo gaabiyay muddada howl-galkeeda Soomaaliya, mana cadda illaa hadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa arrinkaan, maadaama aysan dhameysan muddo xileedkeeda.

Balse waxay imaaneysa xilli uu sii xoogeystay khilaafka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, oo ay Catriona safar ku tegtay markii uu maamulka sheegay inuu si gaar ah ula macaamilayo caalamka.

Puntland ayaa dhawaan aqoonsigii iyo kalsoonidiiba kala laabtay hay’addaha dowladda federaalka, ayada oo maamulka uu ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh inuu jebiyey dastuurkii lagu doortey ee heshiiska lagu ahaa, uuna jeebkiisa kala soo baxay mid cusub.

The post Catriona Laing oo lasoo gaabiyay howl-galkeeda Muqdisho iyo farriin ay u dirtay Soomaalida appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this