Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Dalka Jarmalka oo Xabsiga Dhigay Dibadbaxayaal Diidayay Xasuuqa Falastiin

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska dalka Jarmalka ayaa xir xiray dibadbaxayaal dalbanayay in la joojiyo hubka loo dirayo Israa’iil, islamarkaana aanay dowladda dalkaasi maamulka Yuhuudda ku taageerin gumaadka dad reer falastiin.

Booliska ayaa dibadbaxayaasha ku eedeeyay in ay ka soo horjeedaan xaqa ay Israa’iil u leedahay jiritaankeeda, iyo inay la dagaalantu waxa ay ku tilmaameen kooxo argagixiso ah.

bannaanbaxan oo ka dhacay caasimadda Jarmalka ee Berlin, ayna boqolaal qof ka qeyb-galeen si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan Falastiin iyo xabbad-joojin degdeg laga sameeyo Marinka Qasa ayay ciidamadu kala eryeen, islamarkaana tiro badan oo kamida bannaan-baxayaasha xabsiga u taxaabeen.

Jarmalka ayaa kamida dalalka Israa’iil sida weyn u taageera, islamarkaana hub faro badan ka iibiya, waxayna dowladda dalkaasi horay u sheegtay inay israa’iil dagaalka Qasa ku difaacanaysa jiritaankeeda.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this