Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shabaab-kii ugu badnaa oo isku soo dhiibay dowladda + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
439998761_417001377726543_11528226515947

Muqdisho (Caasimada Online) – 8-Xubnood oo ka soo goostay Khawaarijta ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kooxdaan ayaa isku soo dhiibtay ciidanka NISA ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Waxaa sii kordhaya xubnaha ka soo goosanaya argagixisada ee isku soo dhiibaya dowladda, xilli ay sii xoogeysanayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee dalka ka socda.

Labadii todobaad ee ugu dambeysay 25 xubnood ayey gaartay tirada dhalinyarada ka soo hartay fikirka guracan ee Khawaarijta, kuwaas oo iska soo dhiibay deegaanada K/Galbeed.

Sidoo kale deegaanada Galmudug iyo Jubbaland ayey iska soo dhiibeen xubno badan oo muddo ka barbar dagaalamayey argagixisada, kadib markii ay u adkeysa waayeen nolosha adage e duurka ku heysata kooxda.

Horjooge Hanad oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa galabta isku soo dhiibay ciidanka xooga dalka ee ku sugan aagga degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ninkaas ayaa xiriir la soo sameeyey saraakiisha ciidanka, isagoo ku wargeliyey inuu ka soo baxsaday Al-Shabaab, isla markaana uu diyaar u yahay inuu isku dhiibo dowladda.

Hanad, ayaa sheegay in muddo ka badan 7 sano uu ka tirsan Khawaarijta, balse hadda uu adkeysan waayey nolosha sii xumaaneysa ee Khawaarijta ku heysata duurka fog oo ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ay ku baacsanayaan.

Inkastoo deegaanada qaar ay ka socdaan howlgallo culus, sida Jubbaland, hadana waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay bilowdaan dagaalo culus oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaami doono.

Xasan Sheekh ayaa mar kale u guuraya Dhuusamareeb, si dagaalka uu halkaas uga hoggaamiyo, loona soo afjaro Shabaab-ka jooga Galmudug, kooxda ayaa weli ku harsan deegaanada fog ee bariga Galmudug oo degmada Ceelbuur ay ugu weyn tahay.

WhatsApp-Image-2024-04-20-at-4.36.12-PM- WhatsApp-Image-2024-04-20-at-4.36.13-PM. WhatsApp-Image-2024-04-20-at-4.36.13-PM- WhatsApp-Image-2024-04-20-at-4.36.14-PM. WhatsApp-Image-2024-04-20-at-4.36.14-PM- WhatsApp-Image-2024-04-20-at-4.36.11-PM. WhatsApp-Image-2024-04-20-at-4.36.11-PM- WhatsApp-Image-2024-04-20-at-4.36.12-PM. 439998761_417001377726543_11528226515947

The post Sawirro: Shabaab-kii ugu badnaa oo isku soo dhiibay dowladda + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this