Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo Markale Ku Celisay Wadahadallada Itoobiya Ku Xiran Tahay Ka Noqoshada Heshiiska Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax heshiis ah aysan la geli doonin Itoobiya tan iyo inta Abiy Axmed uu waxkamajiraan kasoo qaadayo heshiiskii is-afgarad ahaa ee uu la galay gobollada ee Somaliland, sida lagu shegay bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.


Hadalka dowladda Soomaaliaya kasoo baxay ayaa daba socday bayaan kasoo baxay wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka G7 oo walaac ka muujisay heshiiska is-afgaradka ah, waxayna ugu baaqday Itoobiya iyo Soomaaliya inay furnaadaan dhammaan waddooyinka wadahadallada ee xalka lagu raadinayo.


“Wadahadallada Itoobiya waa kuwo aan la gaari karin, haddii aanay meesha ka saarin heshiiskii sharci-darrada ahaa ee is-afgaradka ahaa ee ay la galeen gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) oo ay muujinayso ixtiraam buuxa oo ay u hayaan midnimada, madaxbannaanida Soomaaliya” ayaa lagu yiri.


Dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale sheegtay sida ay kaga go’an tahay in xasilooni iyo nabad loogu wada noolaado gobolka, dowladda ayaa carabka ku dhufatay in ay dooneyso la shaqeynta dowladaha ku jira G7 iyo saaxiibada caalamiga ah ee daneynaya arrimaha gobolka Geeska Afrika oo xasarad ay ka jirto.


“Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto nabadda iyo amniga gobolka, waxayna aad u dooneysaa inay xoojiso iskaashiga ay la leedahay G7 iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqo ka dhalata Geeska Afrika” ayaa lasii raaciyay bayaanka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.


Dowladda Itoobiya ayaa tan iyo markii ay gashay heshiiskaan waxaa ay dareemaysay cadadis kaga yimid caalamka, taas oo ay u dheer tahay in colaadaha iyo arrimaha kale ee gudaha ay yihiin kuwo aad looga cabsi qabo in ay sababaan arrimo banii’aadannimo sida dhowaan ay Qaramada Midoobay baahisay.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this