Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil Gaari oo Khasaaro Dhaliyay oo Ka Dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Shil gaari oo naxdin ayaa ka dhacay magaalada Muqsisho, gaar ahaan suuqa beerta ee degmada waaberi, waxaana inta la hubo ku geeriyooday hal qof oo shacaba, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

Shilka waxaa sababay gaari nooca xamuulka qaada ah, kaasoo farriin goostay ka dibna dulmaray moota bajaaj ay dad shacab ihi saarnaayeen, sidoo kalena jiiray gaari kale oo saaruf ah.

Mootada uu gaari dhul maray ayaa waxaa saarnaa carruur yar yar iyo waalidkood, kuwaasoo muddo ku xannibnaa gaariga hoostiisa intaanu gurmadku soo gaarin.

Ka sokow dhimashada waxaa jira dhaawacyo halis ah oo soo gaaray dadkii mootada saarnaa, wararka dhacdadan la xariiraahina waa kuwo isi soo taraya.

Shilalka ay sababaan baabuuurta xambaalka qaada ayaan Muqdisho ku cusbayn, todobaado ka hor ayayna ahayd kolkii in ka badan 10 ruux ay ku geeriyoodeen gaari kunteenar siday oo ku dul dhacay bas ay shacab saarnaayeen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this