Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi Ka Socda Baarlamaanka Soomaaliya oo Gaaray Taliyaaniga Si ay Uga Qeybgalaan Shir Caalami ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira Xildhibaano , mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa gaaray Magaalada Trieste ee dalka Talyaaniga.

Wefdigan ayaa ka qeyb-gali doona shir looga hadlayo magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho, dhaqaalaha badda, rajada horumarka Soomaaliya,wax ka qabashada caqabadaha magaalooyinka sida dhaqaalaha, iskaashiga Iyo caafimaadka bulshada.

Wefdigan ayaa sidoo kale la filayaa inay kulamo la yeelan doonaan madax kale duwan oo ka tirsan Dowladda iyo baarlamaanka dalkaasi Talyaaniga. Talyaaniga ayaa kamida dawladaha xariirka qotada dheer la leh Soomaaliya, waxaana laba dhinac ka dhexeeya iskaashiyo kala duwan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this