Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Ruushka oo Ukraine Ku Eedeeysay Iney Weerar Kusoo Qaaday

Recommended Posts

Deeq A.   

Ruushka ayaa ku dhawaaqay in dhowr gobol oo ka tirsan dalkiisa laguu soo qaaday weerar loo adeegsaday in ka badan 50 diyaaradood oo aan duuliye lahayn, taasoo keentay dhimasho iyo dab ka kacay dhismayaal la deggan yahay iyo goobo tamarta laga dhaliyo.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay inay qabatay 50 diyaaradood oo ay Yukrayn leedahay oo ay ku jiraan 26 oo dulmarayey gobolka Belgorod, 10 weeray Bryansk, 8 lagu qabtay gobolka Kursk, 2 lagu soo riday gobolka Tula, iyo 1 lagu arkay Hawada gobolada Smolensk, Ryazan, Kaluga,iyo Moscow.

Guddoomiyaha gobolka Belgorod oo ku yaalla xuduudka Vyacheslav Gladkov ayaa sheegay in ay laba qalab qarxa ih ay ku habsadeen dhismo la deggan yahay iyo bakhaar ku yaalla tuulada Buroz, islamarkaana ay goobahaasi si naxdin leh u gubteen.

laba qof oo rayid ah ayuu xaqiijiyay inay ku dhinteen dhacdadaas, kuwaasoo kala ahaa qof dumar ah iyo nin, Saraakiisha Ruushka ayaana sheegay in mid ka mid ah weeraradaasi uu horseeday inay gubato xarun shidaal oo ku taal magaalada Kardem.

Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa socday ku dhawaad seddex sano oo xariir ah, waxaana muuqanaysa in ciidamada Ukraine ay dib u soo kabsanayaan oo ay weeraro ka fulinayaan gudaha Ruushka.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this