Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Qoor Qoor oo qaaday tallaabo cajiib ah kuna guuleystay baajinta dagaalkii Seybiyaano

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_9605.jpeg?fit=1268%2C723&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa galabta la kulmay odayaashii ka hor yimid amarka dowladda ee diiday inay ka guuraan dhulka dabdemiska ee ku yaalla degmada Hodan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in berri aan la kici doonin dadka degan dhulka dabdamiska, isagoo sheegay inuu la hadlay Booliska iyo Masuuliyiinta wasaaradda Amniga XFS.

“Dhulka Dowladda ayaa leh,Dowladda dadka dagan baa leh, Madaxda qaranka iyo Booliska waan kala hadleynaa berrina arrinta waa la joojinaa, is dejiya, iskana soo xula guddi aad ku kalsoontihiin,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadkaan aysan xaq u laheyn in la dhaho iska guura, isla markaana arrintaan uu kala hadli doono madaxda ugu sareysa dalka.

Qoor Qoor ayaa duray dad uu sheegay in dano gaar ah oo dhaqaale ay ka dhex raadinayaan arrinta dhulka dabdemiska, isagoo yiri “iimaanka allaha u soo celiyo ayaan leenahay dadkaas” inkastoo uusan xusin magacyada dad gaar ah.

“Berri waa dii deganaa doontaan halkaan cid idiin imaaneysana ma jirto anigaa la hadlaya booliska iyo hey’adaha kale ee amniga sida wasaaradda amniga, marka is dejiya, cid awood inku rari karta ma jirtee,” ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug ayaa qoysaska degan dhulka dabdemiska ka dalbaday inay soo xulaan guddi lagala xaajoodo arrintaan oo taladu ay ka go’do, maadaama kiiskaan ay u gudbinayaan madaxda ugu sareysa dalka.

Sabtiga Berri ayuu Booliska Soomaaliya dalbaday inay qoysaska degan ka guuraan dhulkii dabdemiska ciidanka booliska oo ku yaalla xaafadda Seybiyaano, balse dadka degan ayaa ka biyo diiday amarkaas.

Qoysaska degan halkaas uu u badan beesha Sacad ayaa si cad u diiday amarkaas, iyagoo ku goodiyey inay dagaalami doonaan, ciidamo hubeysan ayaa lagu arkayaa aagga Seybiyaano, waxaana beri ka go’an inay booliska la dagaalamaan.

Hoos ka daawo hadalka Qoor Qoor

The post Daawo: Qoor Qoor oo qaaday tallaabo cajiib ah kuna guuleystay baajinta dagaalkii Seybiyaano appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this