Sign in to follow this  
Shaakirullaah

apostate soldier of puppet administration kills comrade, commits suicide afterwards

Recommended Posts

Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda KMG oo galabta askari kale ku toogtay agagaarka Xarunta Madaxtooyda ee Magaalada Muqdisho kadibna isdilay

 

Askari ka tirsanaa ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa galabta askari kale ku toogtay agagaarka Xarunta Madaxtooyda ee Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho iyadoo xiligaasi kadibna uu istoogtay.

Kadib Salaadii Casar ee maanta ayaa xaafadda Akadeemiya oo dhowr tilaabo u jirta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya uu dil ugu geystay askari kale oo ka tirsanaa ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Intaasi kadib ayaa waxaa la sheegay in askarigii wax dilay uu isna goobta isku dilay kadib markii la sheegay in uu rasaas ooda isaga qaaday iyadoo ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ka dambeysay in asakarigaani uu askariga kale dilo kadibna uu istoogto.

Askariga dilka geystay ayaa waxaa la sheegay in dhawaan uu ka soo baxay xabsi ku yaala Magaalada Mudisho kadib markii uu fasax ka helay saraakiishii xabsigaasi Maamulaysay waxaana maalmihii u dambeeyay ee uu banaanka ka joogay xabsigaasi la sheegay in uu ku hanjabayay in la dilayo ama oo qof dilayo.

Ciidamo kale oo ka tirsan dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay maydadka goobta ka qaadeen waxaana askariga kale ee la dilay uu ahaa nin booyadaha biyo ugu qaada askarta dowladda KMG ee Soomaaliya.

Dhacdadaani ayaa ah tii ugu horeysay ee ka dhacda Magaalada Muqdisho waana falkii ugu horeeyay ee askari ka tirsan dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu askari kale si bareer ah ugu dilo kadibna isagu uu is qaarijiyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this