Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Deegaanka oo Howlgal Ka Dhan ah Al-shabab Ka Fuliyay Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA  Iyo Kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa burburiyay Saldhig ay Alshabaab ku lahaayeen Tuulada Taflow oo 28km u jirta magaalada bardaale ee gobolka Baay , kana xegta dhanka koofureed.

Ciidanka Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo kuwa Deeganka ayaa howlgal ballaaran oo ay aaggaa ka fuliyeen ku dilay 9 xubnood oo la tirsanaa kooxda Alshabaab sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee SONNA.

Sidoo kale Ciidanka ayaa intii uu howlgalku socday ku soo furtay hub iyo saanad ciidan oo ka koobnaa 7 qori oo AK 47 ah, hal qori oo BKM iyo Sanduuqyo Rasaas ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dagaal xooggan kula jirta kooxda Alshabaab, waxaana deegaanno badan oo dalka kamida ka socda howlgallo ay wadaan ciidanka qaranku.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this