Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo Marinka Qaza Ku Tilmaamay Naartii Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa sheegay in dagaalka ka socda Marinka qasa uu abuuray wax lagu tilmaami karo “Cadaabta adduunka”, isagoo carabka ku adkeeyay sida ay lagama maarmaan u tahay in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka degan Marinka qasa.

khudbad uu ka jeediyay shir heer wasiir ah oo ay Golaha Ammaanka khamiistii yeesheen, kaasoo ku saabsan xaaladda bariga dhexe oo ayna ku jirto arrinta Falastiin ayuu ku sheegay in loo baahanyahay in la fududeeyo gargaar la geeyo marinka qasa.

Guterres waxa uu tilmaamay in laba milyan oo Falastiiniyiin ah ay dhibaataysanyihiin, islamarkaana ay wajahayaan dhimasho, burbur, iyo gargaarkii bini’aadantinimo ee loo geyn lahaa oo laga hortaagan yahay.

Wuxuu ku baaqay in xaaladda Marinka qasa xal loo raadiyo, islamarkaana la helo maamul Falastiiniyiintu ay leeyihiin halkaa laga dhiso, wuxuuna codsaday in baaritaan lagu sameeyo dilka 250 ruux oo kamid ahaa shaqaalaha gargaarka, oo 180 kamid ihi hay’adaha Qaramada Midoobay u shaqaynayeen.

Guterres ayaa dhowr oo hore si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee marinka qasa, taasoo keentay inay israa’iil ka carooto baaqyadiisa, islamarkaana ku eedaysay inuu ka eexday, loona baahanyahay inuu is casilo.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this