Sign in to follow this  
oba hiloowlow

WAR DEG DEG AH:

Recommended Posts

Dagaal xoogan ayaa maanta waxa uu ka dhacay halka loo yaqaano wardhuumo oo kudhaw Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud halkaasi oo ay ku dagaalameen Ururka Ahlu sunna iyo Maleeshiyaadka Alshabaab.

 

 

Dagaalka oo socday in muddo ah ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in uu ka dhashay dagaalka khasaare xoogan isla markaasina ay labada dhinac hub culus isku adeegsadeen inkastoo aanan lasoo sheegin weli khasaaraha inta uu la ekyahay.

 

 

Dagaalka ayaa duhurnimadii maanta markii uu yara hakaday kadib waxaa ka hadlay Afhayeenka dhinaca dagaalka ugu qaabilsan Alshabaab Sheekh C/casiis Abuu-Muscab, waxaana uu sheegay in dagaalkii maanta ka dhacay galgaduud uu ahaa weerar lagu soo qaaday laakiin ay iska caabiyeen oo khasaare xoogan ay u geysteen.

 

 

Waxa uu xusay in illaa 3-gaari oo meydad iyo dhaawacyo ay ka buuxaan la geeyay Guriceel oo dagaalkii maanta keliya kusoo dhaawacmay kuna soo geeriyooday, wuxuna intaasi kusoo daray in dagaalkaasi ay suuragal tahay markale in uu ka qarxo goobihii ay horey uga qarxeen maadaama weli la is horfadhiyo.

 

 

Dhinaca kale waxaa ka hadlay Afhayeenka AHlu sunna Abuu-Yuusuf Alqaadi oo sheegay in khasaare xoogan ay maanta u geysteen hawlgal ay ka fuliyeen meel kudhaw Ceelbuur hawlgalkaasi oo kamid ahaa kuwa lagu sifeynayo wax uu kusheegay khawaarijta.

 

 

Abuu-Yuusuf sidoo kale waxa uu xusay in ay ka gubeen Alshabaab illaa 2-gaari halka mid kalena oo kuwa dagaalka kamid ahna ay kala wareegeen firxadkoodana lagu sii daba jiro sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Inkastoo labada dhinac ay guulo kala sheeganayaan hadana majirto ilo madax banaan oo xaqiijin kara wararka ay kala sheeganayaan labadani dhinac eek u dagaalamay maanta qeybo kamid ah Gobolka Galgaduud

 

Mareeg.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Milatariga Xoogagga ahlusunnah oo baryahaanba abaabul xoogleh ka waday duleedka warxoolo ayaa subaxnimadii hore ee saakay dagaal kuqaaday khawaarij isku aruursatay waradhuumaleh.

 

Dagaalkan oo sida la sheegay wali ka socda duleedka warxoolo halka lagu magacaabo waradhuumaleh ayaa waxaa usuuro gashay Xoogagga ahlusunnah in ay isla markiiba gacanta ku dhigaan Goobihii lagu dagaalamay iyo Ceelkii waradhuumaleh iyagoo halkaasina kula wareegey Hub iyo Gaadiid dagaal oo ay lahaayen khawaarijta alshabaab ee iyagu sal dhig halkaasi ku lahaa.

 

Radio Mustaqiim oo khadka telfonka ku waraystay Afhayeenka ahlusunnah sheekh C/rahman Abuu Yusuf Alqadi ayaa noo xaqiijiyay in khawaarijtii laga gubay labo gaari oo tikniko ah, sidookale afhayeenka ayaa sheegay in ay khawaarijtii ay kacarareen bakhti aad ubadan. iyo firxadkii khawaarijta oo siigalaya Ceelbuur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boqolaal ka tirsan Xoogagga Ahlusuna oo saakay dagaal kula jarmaaday fadhiisimo ay Xoogagga Alshabaab ku lahaayeen duleedka ceel-biyood lagu magacaabo Waro-dhuumoleh, ayaa la soo sheegayaa iney Xoogagga Alhusuna degaankaasi gacanta ku dhigeen kadib dagaal aad u qaraar oo labada ciidan dhex maray.

 

Xoogagga Alshabaab oo dagaalka lagu gaaday ayaa lagu soo warramayaa in khasaare xooggan uu dagaalka ka soo gaarey, inkastoo Afhayeenkoodu uu sheegtay iney iska caabiyeen weerarkii lagu soo qaaday.

 

Ilo-wareedyo madax banaan oo ku sugan degmada Ceelbuur lana soo xiriirey xafiiska warqabadka Dalkanews ee Muqdisho, ayaa sheegay in dhaq-dhaqaaqyo xooggan ay Xarakada Alshabaab ka wadaan degmada Ceelbuur.

 

Xoogagga Ahlusuna ee saakay la wareegey gacan ku heynta ceel-biyoodka Waro-dhuumo leh, ayaa goordhow u ruqaansaday dhanka degaanka Wabxo oo aan sidaasi uga fogeyn goobta uu dagaalku saakay ka dhacay.

 

Ciidmo ka tirsan kuwa Ahlusuna oo ku hubeynsan gawaarida gaashaaman ayaa la soo sheegayaan iney iyaguna ka soo dhaqaajiyeen degmada Guriceel ee gobolka galgaduud, ciidamadaasi oo ku sii jeeda degmada Cellbuur, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha Culimaa,udiinka Ahlusuna.

 

Dagaalladaan ka soo cusboonaaday gobolka galgaduud ayaa u muuqda kuwo in muddo ahba ay labada dhinac u diyaar garoobayeen, waxaana la ogaan karin halka ay dagaalladaani ku dambeyn doonaan.

 

Dalkanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ilo Wareedyo Muhiim ah oo lagu kalsoonyahay ayaa u xaqiijiyay Radio Mustaqiim In Isbitaalada Degmadda Ceelbuur ay qaadi waayeen Dhaawacyada Khawaarijta Ku Jabtay Dagaalkii Saakay Ay ku qaadeen masoo Jeestayaasha Ahlusunna waljamaaca.

 

Sida Xogtu Tibaaxee ayaa lasheegaya in Banaanka magaalada Ceelbuur Laga Sameeyay Teen Dhooyin Dhisan kuwaas oo dadka Indhahooda looga qarinayo Dhaawaca faraha badan ee yaala Halkaas.

 

Dhaawacaan Ayaa lagu Qiyaasaa in kabadan 100 kamid ah Maleeshiyaadka Khawaarijta kaas oo kakooban Ajaanib iyo Soomaali saraakiil ah.

 

Sidoo Shacabka ceelbuur ayaa noo Xaqiijiyay in khawaarijtu Shaqo joojin Kusameeyeen Hosbitaaladii Kuna Amreen Inaan Waxaan Shabaab Ahayn Aysan Soo geli Karin.

 

Degmadaan iyo deegaanada kale ee ay khawaarijtu heestaan Ayaa Shacabka Ku nool Waxa ay ku Jiraan Afduub kaga yimaada Dhanka burcad Diimeedka Khawaarijta ah.

 

Waxaa kaloo lasheegaa in baqtiga khawaarijtu daadsanyahay Inta u dhaxeesa halkii dagaalku ka dhacay ilaa degmadda ceelbuur kaas oo aan Qiyaas lahayn.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this