Sign in to follow this  
Deeq A.

Magaalada Dubai oo Daadad Xooggan Ku Rogmadeen, Kadib Daruuraha Macmalka ah iyo Gu’ga Isbiirsaday.

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dubai dalka iskutagga Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ku dhuftay daadad xooggan, kadib roobab xadigoodu sareeyo oo maalmihii lasoo dhaafay ka da’y ay halkaas, waxaana hakad galay guud ahaan isku socdka kadib markii daadad kusoo rogmadeen garoonka caalamiga ah ee magaalada Dubai.


Wakaaladda wararka ee WAM ee ay dowladdu maamusho ayaa ugu yeertay roobka Talaadada “dhacdo cimilo oo taariikhi ah” taasoo dhaaftay “wax kasta oo la diiwaangeliyey tan 1949-kii, roobabkaan da’aya ayaa la sheegayaa in xadigooda aad u sareeyay uu sababay sameynta roob macmal ah iyo xilliga Gu’ga.


Roobabkan ayaa billowday galinkii dambe ee Isniintii, iyagoo gaarat 0.79 inch cabirka roob ah, sida ay muujinayso xogta saadaasha hawada ee laga soo ururiyay garoonka caalamiga ah ee Dubai. Dabeylaha uu Roobku watay ayaa sii xoogeystay abaarihii 9-kii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah ee Talaadadaii.


Dhammaadkii salaasadii, in ka badan 5.59 inji oo roob ah ayaa ka da’ay Dubai 24 saacadood oo Celcelis ahaan sannadkii waxa lagu arkaa 3.73 inji oo roob ah oo ka da’aya madaarka caalamiga ah ee Dubai, oo ah xudunta isu socodka dheer ee Imaaraadka, biyaha ayaa gudaha u galay goobo badan oo ganacsiyo ah.


Roobabka ayaa sidoo kale ka da’ay dalalka Bahrain, Oman, Qatar iyo Saudi Arabia. Si kastaba ha ahaatee, roobabku waxay ahaayeen kuwo aad u daran oo ka da’ay guud ahaan Imaaraadka. Hal sabab ayaa laga yaabaa inay tahay taas oo lagu macneynayo “daruur abuurka ah ee la sameeyay xilli roobaadkaan Gu’ga.


Iskuullada ku yaal Imaaraadka Carabta, ayaa gabi ahaan la xiray sababo la xiriira duufaannada dhacaya, Shaqaale badan ayaa sidoo kale ku sugnaa guriga, inkastoo qaarkood ay ku dhiiradeen,gawaaridooda ku xirmay biyo ka qoto dheer ayaa la isku dayayaa in laga baaro dad ku go’doonsanaa gaadiidka kale duwan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this