Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland oo Qaabilay Wafdi Ka Socda Qaramada Midoobay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland Mudane Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Luga dheere” ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Kismaanyo wafdi ka socda Hay’adda Save the Children oo booqasho ku tagay magaalada Kismaayo ee dowlad Goboleedka Jubbalaan.

Kulanka ayaa looga hadlay Mashaaricda Hormarineed ee ka socda deegaanada Jubbalaand ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madaxda Hay’adda Save the Children ee Switzerland ,Sweden, koofurta iyo waqooyiga qaaradda Afrika iyo ku xegeenka u qaabilsanaha arrimaha Soomaaliya.

Madaxweyne Ku Xegeenka ayaa Hay’adda Save the Children uga mahadcelinayay Mashaaricda hormarineed ee ay ka wadaan Jubbaland, islamarkaana wuxuu ku tirtirsiiyay inay sii laba jiraan.

“Howlaha aad ka wadaan Jubbaland waan ku faraxsanahay, waana la socanna oo wasaaradda Caafimaadka ayaa warbixinno joogto ah inaga siisa” ayuu ka yiri Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Luga dheere) shir jaraa’id oo ay si wadir ah u qabteen gabangebadii kulanka.

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay inay Jubbaland tahay dowlad Goboleedka ugu ballaaran oo ay baahiyo caafimaad iyo kuwo hormarineedba ka jiraan, islamarkaana loo baahanyahay in shacabka wax loo qabto.

Jubbaland oo ah dowlad Goboleedka labaad ee ugu faca weyn maamulada dalka ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin badan oo ka dhashay abaaro raagay iyo dagaalka Alshabaab.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this