Sign in to follow this  
Deeq A.

Bangiga Adduunka oo Warbixin Kasoo Saaray Xaaladda Dhaqaale ee Soomaaliya iyo Sicir Bararka

Recommended Posts

Deeq A.   

Bankiga Adduunka ayaa warbixin uu soo saaray Isniintii kaga dayriyay xaaladda dhaqaale ee dalalka dunida ugu saboolsan oo uu sheegay in farqiga dakhliga dalalka saboolka ah iyo kuwa qaniga ah uu si aad ah u kordhay shanti sano ee la soo dhaafay, waxaana warbixta lagu sheegay inuu sicir barar uu jiro.


Soomaaliya oo ka mid ah dalalka dhaqaalahoodu liito ayaa xaalad soo kabasho ah ku jirtay sanadihii u danbeeyey, iyadoo horumar ka sameysay deymihii lagu lahaa oo intooda badan laga cafiyay, taas oo ka hortaagneyd inuu dalku helo amaahyo dhaqaale, si mashaariic iyo hormarin Kaabayaasha lagu kordhiyo.

Gudaha Soomaaliya ayaa hadda waxaa laga dareemayaa sicir barar ka dhashay waxyaabo isbiirsaday oo kamid yihiin COVID-19, iyo dagaalka ka dhacay qeybo kamid ah dunida oo saameeyay isku socadka inta badan ganacsiga caalamka, xilli marinka badda cas uu noqday mid xaaladda sii-adkeeyay xilliga lagu jiro.

Xuseen Cabdullaahi Yuusuf oo dhaqaaliyahan ka faalooda arrimaha dhaqaalaha ayaa sheegaya in bilihii lasoo dhaafay dalka uu ka jiray sicir barar la dareemayay, laakiin hadda uu hoos u dhac uu sameeyay sida uu hadalka u dhigay, kadib markii dunidu kasoo kabsatay ka go’ii uu sameeyay xanuunka Korona Virus-ka.

Bishii February 2024 warbixin kasoo baxday dowladda ayaa lagu sheegay inuu sicir bararka uu gaaray 5.6 oo ka dhigan inuu hoos uga dhacay dabayaaqadii 2023-2022 halkii uu gaaray sida lagu xusay bayaankaas, dowladda Soomaaliya ayaa la tilmaamayaa in xilligaan dalalka Bariga Afrika ay ugu daran tahay sare kaca.

Marka laga yimaado sicir bararka Soomaaliya oo kamid ah dalalka ugu saboolsan caalamka ayaa hadda si weyn ugu guuleysatay dib u habeynta dhaqaalaha, taas oo keentay in Billions oo deymo ahaa laga cafiyo, sanadkii tagay 2023, taas oo sahlaysa in dowladdu ay qaadato deymo dib loogu hagajiyo kaabayaashada.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan laheyn mideynta habka canshuuraha ee dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, waxaan jirin qeybha qaar ee canshuuraha ee dowladdu ay qaado, taas oo wax badan ka geysan karta sare u kaca dhaqaalaha gudaha ee dalka, iyadoo aan Meesha laga saari dareen bulshada.

Dalalka Afrika ayaa labadii sano ee ugu dambeysay siweyn looga dareemayay sicir bararka, taas oo ay ugu wacan tahay in Afrika badankeeda ay wax kasoo dhoofsato caalamka, dagaalka Ukraine iyo xaalka Barika dhexe oo caburiyay isku socodka badda cas ayaa saameyn weyn kusii yeeshay xaaladda hadda jirta.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this