Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo Ka Horyimid Tallaabo Kasta oo Jawaabcelin Israel Uga Sameynayso Weerarkii Iran

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Maraykanka (Pentagon) ayaa ku dhawaaqday in go’aan ku saabsan xiisadda Iiraan iyo Israa’iil, waxaana bayaanka ka soo baxay pentagon-ka lagu sheegay inaanu dalkau Maraykanka doonayn in colaadaha gobolka bariga dhexe ay sii huraan,balse ay  sii wadayaan taageerada ay Israa’iil u fidiyaan.

Afhayeenka Pentagon-ka, Patrick Ryder ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku xaqiijiyay in Mareykanku uusan doonayn in colaaduhu ay ku sii ballaariyaan gobolka, Isaga oo ka jawaabaya su’aal ku saabsanayd Mowqifka Maraykanka ee ku aaddan falcelinta ay Israa’iil ay ka bixin doonto weerarkii Iiraan ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa sheegay in Mareykanku marnaba dooneynin inuu ka hadlo ka jawaabidda in Israel ay qaadayso tallaabo aargudasho ah “Ma doonayo inaan ku hadlo magaca Israa’iil marka la eego suurtagalnimada ka jawaab ay ka bixiso weerarkii Iiraan, maxaa taasi waa mid u taalla Tel Aviv .”

“Tani waa go’aan madaxbannaan oo ay tahay in Israa’iil qaadato,haddii ay awoodi waydo inay is difaacdona, waxaa laga yaabaa inay soo baxaan khataro ku wajahan ammaanka gobolka iyo xasilloonida.” Ayuu sii raaciyayafhayeenka oo hadlayay xilli ay taagan tahay xiisadda gobolka.

Warkan ayaa ku soo beegmaya xilli Israa’iil ay qorshaynayso inay ka falceliso wareerkii Iiraan,waana arrin waji gabax ku ah maamulka Tel Aviv, dhowaan ayey aheyd markii taliyaha guud ee ciidamada Militariga u uku dhawaaqay in ay qaadayaan tallaabo ay kaga aargudanayaan weerarkii ka lagu soo qaaday Israel.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this